by

Ujeedooyinka gms

Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
Golaha Midnimadda Soomaaliyeed.
Qorshe Siyaasadeedka Golaha.

Ujeedooyinka Golaha.
• Ururka midnimada qaranka soomalaiyeed wuxuu u taagan yahay midnimada dalka iyo dadka soomaliyeed. Wuxuuna illaalin doonaa qofka soomaligaa diintiisa,naftiisa,Nasalka, maalkiisa, caqligiisa iyo sharaftiisa,
• Goluhu wuxuu ku tiirsanaan doonaa ilaahay iyo umada soomaliyeed. dhaqaale ahaan, awood ahaan, siyaasad ahaanan iwm.
• Goluhu wuxuu ilaalinayaa midnimada Qaranka Soomaaliyeed. wuxuuna ka shaqaynayaa madaxbanaanideeda.
• Goluhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta Qayraadka iyo deegaanka soomaliyeed.
• Si loo gaaro nabad waarta waa in umada soomaliyeed u madax banaanaataa goaan kagaarista arimaha siyaasadeeda iyo mamulkeeda dawladeed.
• Goluhu wuxuu dhiiri galinayaa in somalidu ka tashadaan aayahooda.
• Goluhu wuxuu ka soo horjeedaa nooc kasta oo faragalin ah.
• Goluhu wuxuu talada siyaasadeed dib ugu soo celin doonaa gacanta shacabka soomaliyeed./dawlada madani ah.
• Goluhu wuxuu wax ka qaban doonaa baahida guud ee dalka iyo dadka somaliyeed.
• Goluhu wuxuu yahay astaan u taagan midnimada, iyo qarannimada somaliyeed.
• Golaha wuxuu ka soo horjeedaa dagaal sokeeye
• Goluhu wuxuu midaynayaa dhamaan bulshada somaliyeed qaybaheeda kala duwan.
• Ururka wuxuu ixtiraamaya shuruucda caalamiga ah, wuxuuna ilaalinayaa guud ahaan qaraaradda caalamiga wixii aan ka soo horjeedin diinta islaamka iyo dhaqanka soomaliyeed.
• Goluhu wuxuu aaminsan yahay nabad ku wada noolaashada caalamka.
• Goluhu wuxuu ujeedoyinka kor ku xusan ku gaarayaa wadahadal iyo nabad.

Stockholm 13-14 May 2012. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *