by

(sno) news » dacaayadda pentagon-ka iyo doorka hollywood-ka (iftiimin).

Sweden: – Sanad kasta marka la sameeynayo filim ay kujiraan muuqaallo ciidan waxay filim soo saarayaasha Hollywood-ku ay Pentagon-ka waydiistaan kaalmo dhinaca farsamada, goobaha filimka lagu dhigayo, talo farsamo iyo agab laga bilaabo helokobtarada Black Hawk iyo Apache lagu geeyo gujisyada xambaara hubka halista ah ee nukliyeerka.

Ciidamada qalabka sida ee Maraykanku waxay dalabkaasi uga jawaabaan si rabitaan ku dheehan yahay waayo ‘Buda qabe iyo biya qabe way isu baahan yihiin’ (Win win situation).

Hollywoodku lacagta ayuu doonayaa Pentagon-kuna ii dhehda iyo dacaayadda.

Si kastabase arini ii cun iyo cab kuma wada dhamaato oo marar badan ayay dhacdaa in waaxda gaadhaandhiga Maraykanka ee shanta gees (Pentegon) ay tifaftir iyo faaf reeb ku sameeyso aflaamta Hollywood-ka khaasatan kuwa ku lug leh askarta Maraykanka si muuqaalka guud ee militaarka ee dunida loo bandhigayo looga dhigo mid la iibsan karo oo ceeb ka saliim ah.

Si looga farxiyo Pentagon ayaa waxaa lagu bartay soo saarayaal badan ayaa lagu bartay inay laadariinta atoorayaal u bedelaan, taasoo dhasha in dib loo jarjaro muuqaallada aan cajabinin Pentagon-ka, in la rujiyo afkaaraha siyaasad ahaan xasaasiga ah iyo in lagu daro muuqaallo ay ka muuqdaan ‘’Birmadka iyo Geesinimada’’ Maraykanka waloow hadii aad u kuurgasho aad ogaaneyso inaan filimaanta qaarkood looga baahneyn.

Dadka kujira askarta Maraykanku marna ma xumaadaan, majiraan amar diidooyin ka dhex jira saraakiisha sare iyo dablayaasha ay xukumaan, ha sheegin cabtooy iyo daroogiistayaal, haka yaabin qabwaynin iyo is haysi gudaha ah. Markasta waa in milateriga iyo madaxweynaha Maraykanku ay ahaadaan noqdaan ceeb ka saliim waloow dunida inteeda kale taa caksigeeda loo sawiro.

‘’Waxa ugu mudan ee uu Hollywood-ku ka jecel yahay filim wanaagsan waa qandaraas wanaagsan’’ ayuu yiri David Robb oo mudo kasoo warami jirey arimaha Hollywood-ka, isagoo taa ku sharaxay inay tahay sababaha keenay inuu Hollywood-ku wax ka bedelo qaabkii ay u qornaayeen aflaam ay ka mid yihiin ‘’Top Gun’’. ‘’Stripes’’ iyo ‘’The Great Santini’’ si ay taa bidaalkeeda galangal ugu yeeshaan baraha ciidamada, gawaarida gaashaaman iyo askar ka qayb qaadata jilliinka oo ay ku helayaan si ku dhowaad bilaash ah.

Wuxuuna Mr Robb soo daliishadey sida filimka Windtalkers ee uu jilaa 1-aad ka yahay Nicolas Cage looga tiray muuqaal (scenario) muujinayay askari Maraykan ah oo ilko dahab ah kala baxaya maydka askari Japanese ah dagaalkii 2-aad ee dunida (taasoo taariikh ahaana sax ah).

Filimka The Perfect Storm, ciidmada cirka Maraykanka ee USAF ayaa waxay ku adkeysteen in libinta samata bixinta dooni quuseysey la siiyo ciidamada ilaalinta hawada ee Air National Guard halkii ay caadiyan doorkaasi qaadan lahaayeen kuwa ilaalada xeebaha ee US Coast Guard maadaama ay iyagu qalabka ku deeqayeen.

Sidoo kale filimka Top Gun ciidamada Bada Maraykanka ee USMC waxay dalbadeen in muuqaalada jaceylka ah ee Tom Cruz laga bedelo macalin milateri ah oo loo bedelo qandaraas qaate rayid ah (yaa hadaba filimka soo saare ka ah..?)

Waxa kaloo ugu daran sida uu ku doodayo Robb Pentagon-ku wuxuu adeegsadaa istaraatijiyad aan nadiif ahayn oo lagu bartilmaameedsanayo dhalaanka yar yar si looga iibiyo dacaayadahan, tusaale ahaan waxay waaxda difaaca Maraykanku gacan ka gaysatey sidii sheekooyin halyeeynimo muujinaya oo la xiriira milateriga Maraykanka loogu dari lahaa kaartoonada Mickey Mouse si looga dhaafo hollywoodka khidmaddii kaga bixi lahayd kirada unifoomka iyo dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee F-16.

Waa fikrad xiise leh waloow filim soo saarayaasha Hollywood ay kaligood tillaabsan karaan oo aanay markasta u baahnayn socod baridda Pentagon sida uu Robb tilmaamayo waayo aflaamta hit-ka dhaafay (Blockbustres) ee kala ah Forrest Gump, An officer and a Gentleman iyo Platoon waxaa gidigood la sameeyey tiiyoo aanay taano uga bixin waaxda difaaca Maraykanka ee Pentegon.

Marar badan ayay timaaddaa su’aasha dul saran akhlaaqiyadda ku salaysan in dunida loo muujiyo muuqaallo ay ka muuqdaan dad masaakiin ah oo tarab tarab loo laynayo min dagaalkii 2-aad, kii labada Kuuriya, Vietnam, labadii dufcadood ee Ciraaq (1991-2009), Soomaaliya iyo Afghanistan.

La soco qeyb kale…

Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto;[email protected]
Gothenburg, Sweden

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *